Blog

  • Xogta dagaalkii habeen hore ilaa shalay socday.

    Dagaalka Calmiskaat

    Habeen hore, ilaa shalay galabnimadii waxaa dhacay dagaal aad u kharaar oo dhexmaray ciidanka maamulka Puntland iyo kooxda xagjirka ah ee Daacish.

    Saacado kooban ka hor inta uusan dagaalku qarxin, waxaa dhacay duqayn kooban oo dayuuradaha UAE ee Drones-ku ka gaysteen goobo Daacish lagu tuhmayey, duqayntaas kaddib, waxaa labo fariisin oo muhiim ah oo ciidamada Puntland lahaayeen weerarro ku soo qaaday kooxo Daacish. Weerarka waxa ay u adeegsadeen qaraxyo iyo ismiidaamin, ugu dambeynna waxaa bilowday dagaal toos ah oo socday ilaa casarkii ee wakhtiga Soomaaliya.

    Dagaalku waxa uu gaystay dhimasho iyo dhaawac lixaad leh. Waxa uu ka dhacay aagga Dharin oo ah isla goobihii dagaalladii hore ka dhaceen, taas oo muujinaysa in maamulka iyo Daacish midna horumar uusan ka sameyn dhinaca furimaha iyo dhulka lagu dagaallamayo sida aad ka arki kartaan Map-ka ay daabaceen waaxda difaaca ee AFRICOM.

    Sida ay ii xaqiijiyeen saraakiil difaaca dagaalka joogta iyo bahda gargaarka degdegga ah, dhimashada dhinaca Puntland waxa ay makhribnimadii gaartay 59 qof oo 6 sarkaal ku jirto, halka dhaawaco ku dhowyahey 121.

    Maamulka Puntland waxa uu sheegtay inuu dilay 89 dhinaca Daacish ah, balse ma xaqiijin karno.

    Saciid waxa uu u yeeray Gen Moorgan, Gen Bashiir America iyo Gen Indhayare oo uu ka codsaday in ay dagaalka la qorsheeyaan jiidda horena soo indha-indheeyaan.

    Deni ayaa ka baaqday safar Billidhidin uu ku tagi lahaa, kaddib markii loo sheegey in kooxda Daacish ay Yemen kala yimaadeen Drones ay ku xiranyihiin GPS, oo khatar gelin kara nabadgelyadiisa.

    Saraakiisha jiidda hore waxa ay xaqiijiyeen in kooxdu isku aruursanayso goobo ku dhow halkii dagaalladu ka dhaceen, sidoo kale ciidamada Puntland ay ku jiraan heegan iyo difaac.

  • The Art of Connection

    Welcome to WordPress! This is a sample post. Edit or delete it to take the first step in your blogging journey. To add more content here, click the small plus icon at the top left corner. There, you will find an existing selection of WordPress blocks and patterns, something to suit your every need for content creation. And don’t forget to check out the List View: click the icon a few spots to the right of the plus icon and you’ll get a tidy, easy-to-view list of the blocks and patterns in your post.

  • Beyond the Obstacle

  • Growth Unlocked